Hordhac: Crystal palace Vs Chelsea

0
432

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Selhurst Park.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan ceebtii kulankii West Brom ee horyaalka premeir League siina xoojiyaan fursadohooda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka.

Dhanka kale kooxda Crystal Palace ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay sii dhaawacaan chelsea waliba xaalka ku sii xumeeyaan kooxda Tababare Thomas Tuchel.

Kulanka: Crystal palace Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka:Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Crystal Palace ayaa isha ku haysa in ay kulankii 4-aad oo xidhiidh ah premier League shabaqeeda ilaashato iyada oo ku ciyaaraysa garoonkeeda.

Christian Benteke ayaa si toos ah ugu lug lahaa sideed gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu ka horyimid Chelsea, wuxuu dhaliyay lix halka uu caawiyay labo kale.

Chelsea ayaa badisay lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Palace, waana rikoodhkoodii ugu ficinaa ee ay ku leeyihiin kooxda horyaalka premier League.

Thomas Tuchel ayaa noqon kara tabaabrihii 2-aad ee chelsea ah ee ka fogaada in uu guuldaro la kulmo 6-diisa kulan ee ugu horeeyay ee kulamada martida kadib Luiz Felipe Scolari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here