Covid-19 oo Fara ba’an Ku Haya Dalka Brazil

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- In ka badan 4,000 oo qof ayaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 ugu geeriyootay dalka Brazil, taasoo ka dhigtay khasaaro nafeed tii ugu badneyd ee maalin gudaheed laga diiwaangeliyo dalka ugu weyn Koofurta Ameerica.

Wasaaradda caafimaadka Brazil ayaa Talaadadii shaacisay, in 4,195 ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 ugu Geeriyoodeen guud ahaan dalkaasi. Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dhimashada ay sii kordheysay tan iyo bishii February ee sanadkan.

Faafista cudur-sidaha keena xanuunkan ayaa sare u sii kaceysay dhowrki bilood ee lasoo dhaafay. Khubarada caafimaadka Brazil ayaa arrintaasi ku sababeeyay, nuucyada cusub ee xanuunka oo soo badanaya iyo dadka oo aanan dhaqangelinin talooyinka caafimaad sida kala fogaanshaha.

Khubarradu waxay saadaalinayaan in haddii uu xaalku sidan u sii socdo ay Brazil noqon doonto dalka ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 guud ahaan dunida.

Mareykanka ayaa kaalinta koowaad wali ku jira, waxaa xanuunka ugu dhintay in ka badan 555,000 oo ruux, halka Brazil ay tirada dhimashada mareyso ku dhawaad 337,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here