Xiddigaha Ugu Fiican Premeir League Sanadka Cusub ee 2021 Oo La Soo Saaray

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso leh xilli ciyaareedkan iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican guud ahaan xilli ciyaareedkan kuwaas oo kooxohooda guulo muhiim ah ku hogaamiay.

Laakiin waxa jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa bilowgii sanadkan marka loo bar-bar dhigo xiddigo kale oo uu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhacay sanadkan 2021.

Xiddiga kooxda chelsea ee Jorginho ayaa ah xiddiga ugu fiican premier Leageu tan ilaa bilowgii sanadka 2021 isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday sanadkan.

Xiddiga kooxda Man City ee Ruben Dias oo isagu tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah ayaa ku jira kaalinta 2-aad ee xiddigaha ugu fiican tan ilaa bilowgii sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi ayaa ku jira kaalinta 3-aad ee xiddigaha ugu fiican premier League ta ilaa bilowgii sanadka cusub ee 2021.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu fiican sanadka cusub ee 2021 horyaalka premier League:

  1. Jorginho
  2. Ruben Dias
  3. Wilfred Ndidi
  4. Luke Shaw
  5. Harry kane
  6. Thiago Alcantara
  7. Granit Xhaka
  8. Pascla Gross
  9. Ruben Neves
  10. Raphinha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here