Barcelona Oo Muddo 2 Bilood Ah Ku Soo Qabatay Atletico Madrid & Faah-Faahinta Qaab Ciyaareedka Ay Barca Soo Bandhigtay.

0
222

Kooxda Barcelona ayaa soo jartay 12 dhibcood oo ay ka dambeeyeen hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid iyaga oo u baahday kaliya 2 bilood iyaga oo kaliya 2 dhibcood lumiyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay halka ay Atletico madrid lumisay 14 dhibcood.

Haatan kooxda Ronald Koeman ayaa kaliya 2 dhibcood ka dambaysa kooxda Atletico Madrid iyada oo Barcelona haatan noqotay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga iyaga oo sabtida la ciyaari doona kooxda Real Madrid kulanka El Clasico.

10-kii kulan ee ugu dambeeyay Atletico Madrid ayaa kaliya guul gaadhay 4 kulan iyaga oo bar-baro galay 4 kulan lagana badiyay 2 kulan taas oo la macno ah in ay lumiyeen 14 dhibcood.

Dhanka kale Barcelona ayaa mishiin ahayd bilihii ugu dambeeyay iyaga oo soo jaray 12 dhibcood oo ay ka dambeeyeen Atletico Madrid iyaga oo haatan ka dambeeya kaliya hal dhibic.

Kulanka kaliya ee ay Barcelona ku fashilantay ayaa ah kulankii ay bar-baraha la gashay kooxda Cadiz kuwaas oo dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib rikoodhe uu galay xiddiga Clement Lenglet iyaga oo badiyay 9-kii kulan ee kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here