Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Taam U Noqon Doona Kulanka Fc Porto

0
229

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in ay xiddigaha Christian Pulisic & N’Golo Kante taam buuxa u yihiin ka qayb galka kulanka champions League ee ay Blues la ciyaari doonto kooxda Fc Porto Arbacada.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa dhaawac muruqa ah uga baxay kulankii ay chelsea guuldarada kala kulantay kooxda West Brom Sabtidii kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Xiddiga reer America ee Christian Pulisic oo xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro ayaa soo galay ciyaarta laakiin badal lagu sameeyay iyada oo aan qaybta dambe bilaaban ciyaarta.

Dhanka kale xiddiga N’Golo Kante ayaa ku seegay kulankii West Brom dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa France intii uu socday fasaxii xulalku.

Laakiin Tababare Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in ay labada xiddigba tababar la qaateen kooxda intooda kale maanta oo salaasa ah sidaas darteed taam u noqon doonaan kulanka.

“Labadooduba waxa ay taam u yihiin in ay ka qayb ahaadaan kooxda”ayuu Tuchel yidhi.

“Christian Pulisic waxa uu baxay ka hor inta uuna dhaawacu ku sii xumaan qaybtii Nasashada, hadii uu sii wadan lahaa ciyaarta waxan uu dhaawacu noqon lahaa mid halis ah”.

“N’Golo waxa uu maray tijaabo waxana uu ku bilaaban doonaa kaydka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here