Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Laga Yaabo In Uu Seego Kulanka Liverpool Ee Champion-ka

0
302

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa talaadada qaabileysa kooxda Liverpool oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan lugta koowaad ee wareeegga 8-da Champion-ka

Haatan , waxaa soo baxaya shaki la gilinayo xiddiga Real ee Valverde oo la xariirta in uu kulankaas la lug heli karo.

Valverde ayaa ku dhaawacmay tababarkii Real intii lagu jiray fasaxa kulamda caalamiga waxa uuna ka sheeganayaa dhaawac muruqa bowdada ah .

Qadkaas dhexe ayaa sameynaya jimicsi balse tababaraka guud ee kooxda kama uusan qeyb galin sida wargeyska Mundo Deportivo laga soo xiganayo.

Wargeyskaas ayaa tilmaamaya in Valverde oo aan ka qeyb galin tababarkii guud ee axadda ay keeneyso shaki xooggan oo ah in kulanka talaadada la lug heli karin

Taasi badelkeeda , waxa uu wargeyskaas xusayaa in Valverde uu haminayo in si wacan uu u soo kabsado isuna diyaarinayo kulanka todobaadka dambe ee ay Barcelona uga hor tagayaan .

Real Madrid ayaa 10-ka bishaan qaabileysa Barcelona oo ay wada ciyarayaan kulan ka tirsan wareegga 30-aad ee La Ligaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here