Xayiraad looga dhawaaqay Talyaaniga.

0
230

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa dalka Talyaaniga maanta ka dhaqan gashay saddex maalmood oo xayiraad ah oo looga hortaggayo mowjaddii saddexaad ee cudurka Karoona oo saameyn ku haya halkaas xilliga dabaaldegga Easter-ka.

Booliska ayaa fulinayaa howlgal lagu xaqiijinayo in dadka ay u hoggaansamaan amarrada.
Waxaana dadweynaha la faray inay joogaan agagaarka guryahooda isla markaana ay marti qaadi karaan oo kaliya ah xilliggan labo qof.

Waxaana la xiray dukaamada iyo xarumaha ganacsiga dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here