Xayirad deg deg ah oo lagu soo rogay gobolka Ontario ee dalka Canada.

0
297

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa ku dhawaaqday xayiraad deg deg ah oo la gelinayo guud ahaan gobolkaasi, kadib markii ay kordheen tirada dadka uu soo ridanayo cudurka karoona feyris.

Bukaanno badan oo uu soo ritay cudurkan ayaa la dhigay isbitaallada ku yaala dalkaasi.
Goobaha dad iskugu yimadan, sida timajarayasha, hoteelada, iskuullada iyo goobaha kale oo dhawaan lagu dhawaaqay in la furi doono ayaa markale xayiraad lagu soo rogay maadaam ay kordhay dadka u soo ritay cudurkan karona feyris.

Xayiradan lagu soo rogay gobolka Ontario ayaa socon doonta muddo afar todobaad ah.
In ka badan 352 kun oo ruux oo ku nool gobolkan ayuu haleelay cudurkan, waxana ka bogsaday 324 kun, halka 7,389 ruux ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here