Dalka Faransiiska oo mar kale bandow lagu soo rogay.

0
363

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha wadanka faransiiska Emmanuel Macron ayaa waddankiisa ku kordhiyay bandowgii saarnaa isagoo shaaciyay in bishan april oo dhan uu dalku ku jirayo bandow guud Iskuulladana guud ahaan la xirayo kaddib hadal uu ka sheegay Telefishinka dalkaasi.

Laga billaabo 3 Apirl ilaa muddo 4 toddobaad ayaa la sheegay in guud ahaan Farace uu ahaan doono bandow la xiriira caabuqa Covid-19.

Gaadiidka isaga goosha gobollada faransiisak ayaa la joojin doonaa iyadoo sidoo kale bandowgii saarnaa 19 gobol oo faransiiska ahna lasii xoojinayo.

Kiisaska maalinlaha ah ee  la xaqiijiyay ee Covid-19 waddanka faransiiska ayaa sii laba laabmayey tan iyo bishii febraayo.

Faransiisku waxa uu kamid yahay waddamada uu sida ba’an u galaaftay xanuunka Covid-19 oo hadda 1 sano jirsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here