Bayern Mnich Oo Xaqiijisay Mudada Uu Robert Lewandowski Garoomada Ka Maqnaan Doono

0
288

Kooxda Bayern Munich ayaa warbixin ka soo saartay dhaawaca xiddigeeda Robert Lewandowski kaas oo ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa Poland intii uu ku jiray kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Robert Lewandowski ayaa xanuun ka dareemay jilibka kulankii uu xulkiisu guusha ka gaadhau Andorra isaga oo la badalay daqiiqadii 63-aad kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Kooxda Bayern Munich ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddiga Robert Lewandowski ka dhaawacmay jilibka waliba garoomada ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah una dhiganta muddo bil ah.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Robert Lewandowski seegi doono kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto PSG champions league wareega 8 dhamaadka tartanka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here