Ronald Koeman Oo Shaaciyay Go’aankiisa Ku Aadan Saxiixa Barcelona Ee Sergio Aguero.

0
287

Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinyaa xiddiga Man City ee Sergio Aguero kaas oo la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin tababaraha Barcelona ee Ronald Koema ayaan doonayn in uu xiddigu yimaado kooxdiisa sida ay aheegayaan wararku.

Wargayska SPORT ayaa sheegaya in uuna Tababare Koeman doonayn in uu xiddiga Aguero keeno kooxdiisa laakiin doonayo in uu keeno xiddiga Memphis Depay kaas oo dhankiisa xiddig xor ah noqon doona xagaaga.

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa aaminsan in xiddiga Depay ku soo baxayo qaab ciyaareedkiisa sidoo kale diyaar u yahay in uu kaydka fadhiisto marka loo bar-bar dhigo Sergio Aguero.

Go’aanka tababaraha ayaa imanaya kadib markii taageerayaasha kooxda Barcelona codayn ku doorteen Depay iskana diideen in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Sergio Aguero.

Xiddiga Memphis Depay aya Tababare Ronald Koeman kala soo shaqeeyay xulka qarankiisa Holland waliba waxa uu tababaraha la leeyahay xidhiidh fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here