Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo La Xaqiijiyay In Uu Doonayo In Uu Isaga Tago Arsenal

0
422

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Bacary Sagna ayaa sheegay in uu xiddiga daafaca Midig uga ciyaara Arsenal ee Hector Bellerin doonayo in uu isaga tago kooxda Arsenal si uu u aado horyaal kale.

Xiddiga reer Spain ayaa ku soo koray kooxda Arsenal isaga oo sanadkii 2011 ka soo dalacay da’yarka koxda markii uu isaga oo caruur ah ku soo biiray kooxda.

Xiddiga ayaa kooxda kula guulaystay dhawr koob oo FA Cup-ka ah laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu wajahayaa dhaleecayn dhanka qaab ciyaareedka.

Sagna ayaa sheegay in uu Bellerin dareensanyahay in uu soo dhamaday wakhtigiisii kooxda Arsenal waliba doonayo in uu aado koox kale si uu tartan kale u ciyaaro.

“Hector waxa uu Arsenal joogay sanado”ayuu Sagna u sheegay Goal.

“Waxa uu kooxda joogaa muddo 6 sano ah waxana uu bilaabay u ciyaarista kooxda muddo yar kadib markii aan ka tagay kooxda”.

“Waxana uu dareensanyahay in uu doonayo in uu aado tartan kale sababta oo ah waxa uu kooxda Arsenal joogay muddo dheer”ayuu hadalkiisa sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here