Tallaalka Covid-19 oo la soo gaarsiiyay Magaalada Baydhabo

0
302

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Talaalkan oo looga hortagaayo Cudurka Covid-19 islamarkaasina ay ka faa iideysan-doonaan in kabadan 30 kun qofood oo ku nool 14 degmo ee koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta Magaalada Baydhabo Soo gaarsiiyey Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Soomaaliya.

Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka .Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka . Gudoomiyaha Gobolka iyo xubno ka socdey maamulka degmada Baydhabo ayaa si wadajir ah ula soo wareegey talaalka oo talaadada lagu dahfuri doono qaar kamid ah Xaruumaha Caafimaadka

gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada Degmada Baydhabo Yuusuf bare macalin iyo gudoomiyaha maamulka G/baay Cali Wardheere dooyow ayaa si usku mid ah ugu mahad celiyey Dowladda Soomaaliya oo talaalkan soo gaarsiisey Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Dr Xuseen Maxamed Daahir. iyo wasiirka Wasaaradda caafimaadka maxamed Cusmaan jiidow ayaa sharaxey qaabka talaalka kahortaga Covid-19 ay u qaadan doonaan Bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here