Ku xigeenkii Amiirkii Dubai Sheikh Hamdan bin Rashid oo geeriyooday

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii la so odhaafay uu xanuunsanaa.

Sheikh Hamdan, wuxuu kaloo muddo dheer ahaa wasiirka Maaliyadda ee Imaaraatka Carabta, waxana ay walaalo ahaayeen ninka hadda xukuma Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum
Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasiirka maaliyada tan iyo markii la magacaabay golahii wasiirada ee ugu horeeyey 1971 kadib dhismihii Imaaraatka oo uu sameeyey Amiirkii geeriyooday, Sheikh Zayed Al Nahyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here