Amiir Harry oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Ingiriiska oo lagu wadaa inuu shaqaalaha ka noqdo shirkad ku taala Mareykanka.

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Amiir Harry oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu madax aan toos ula macaamilayn shaqaalaha ka noqdo shirkad ku taala Mareykanka oo ka shaqaysa daryeelka xanuunada ku dhaca maskaxda.

Amiir Harry ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu “runtii aad ugu faraxsan yahay” qabashada xilkan cusub.

Balse waxaa weli cadayn howlaha saxda ah uu qabanayo, saacadaha uu shaqaynayo iyo inta uu mushaarkiisu yahay.

Shaqadaan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu qabto tan iyo markii uu iska wareejiyay jagadii uu ka haayay boqortooyada Ingiriiska bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale imaaneysaa ka dib markii Amiir Harry iyo Meghan ay wareysi aad loo daawaday siiyeen Oprah Winfrey horaantii bishaan.

Waraysi qiiro leh oo ay siisay weriye Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqrtooyada Ingriirska, taasi oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah inay isdisho.

Midab takoorka ka dhex jira qasriga boqortooyada iyo warbaahinta ayaa kaalin weyn ka qaatay dareenkeeda ku aaddan inaysan doonayan inay sii noolaato, sida ay sheegtay Meghan.

Boqortooyada UK ayaa sheegtay in sheegashadu ay tahay “mid khuseysa “, laakiin si gaar ah wax looga qaban doono. Horraantii toddobaadkan, Boqortooyada ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo kala duwanaanshaha ka dhex jiro dhammaan qoysaska boqortooyada.

Amiir Harry iyo Meghan ayaa haatan ku nool California ka dib markii bishii Janaayo ay xaqiijiyeen inay si toos ah uga mid ahaan donin boqortooyada ayna ka shaqeeynayaan sidii ay ku heli lahaayeen lacag ka madax banaan tan boqortooyada.

Waxay sannadkii hore ku dhawaaqeen inay heshiis la gaareen shirkadda fililmada ee Netflix si ay ula sameeyaan mashruucyo qaar kuwaasi oo xitaa qaar kood ay ka soo dhex muuqan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here