Juventus oo diiwaanka ku darsatay saddex macallin oo ay dooneyso inay ku baddesho Andrea Pirlo

0
413

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa liis ku qoratay illaa saddex macallin oo ay dooneyso inay macallin ka dhigato kaddib Andrea Pirlo.

Macallinka Bianconeri hoggaamiya ayaa cadaadis badan la kulmaya kaddib guuldarradii kooxdiisa ka soo gaartay naadiga Benevento, waxaana hadda loo badinayaa inuu shaqadiisa lumin karo.

Jariiradda Taliyaaniga kasoo baxda ee La Repubblica ayaa ku warrameysa in macallinka Atalanta ee Gian Piero Gasperini, Lazio tababaraheeda Simone Inzaghi iyo Luciano Spalletti oo shaqo la’aan ah ay yihiin saddexda macallin ee ay Juve dooneyso inay ku baddesho Pirlo.

Gasperini oo 63 jir ah ayaa Atalanta ku hoggaamiyay inay labo jeer oo xiriir ah soo gaarto wareegyada bug-baxda tartanka Champions League, waxaana hab-maamulkiisa wanaagsan uu kusoo jiitay maamulka naadiga Juventus.

Sidoo kale, Inzaghi oo lix sano maamulayay naadiga Lazio ayaa bartilmaameed ah The Old Lady sida warbaahinta dalka Taliyaaniga ay baahineyso.

Macallinkan ayaa Lazio hoggaaminayay tan iyo 2016, waxaana uu kula guuleystay Coppa Italia sanadkii 2018.

Si kastaba ha ahaatee, dookha ugu sahlan ee ay Juventus heli karto ayaa loo arkaa inuu yahay Spalletti maadaama uu hadda shaqo la’aan yahay.

Dhanka kale, La Repubblica ayaa intaas ku dareysa in Bianconeri aysan qorsheyneyn inay Pirlo ceyriyaan inta lagu gudo jiro xilli ciyaareedkan iyadoo kaddib ciyaaraha qarammada kooxdiisu la ciyaareyso naadiga Torino 3-da bisha April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here