Barcelona oo guul ka soo gaartay kooxda Real Sociedad

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Barcelona ayaa NUS DARSAN goolal ah ku soo xaaqday kooxda Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Anoeta, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-6, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 37-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda reer France ee Antoine Griezmann.

43 daqiiqo marka ay dheesho aheyd Sergino Dest oo caawin ka helay saaxiibkiis Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad Sergino Dest ayaa markale gaaray shabaqa kooxda Real Sociedad, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

56 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Lionel Messi oo caawin kaga timid Sergio Busquets ayaa hoggaanka u dheereeyay kooxda Barcelona wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-4.

Ousmane Dembele ayaa daqiiqadii 71-aad kubad uu si qurux badan ugu soo dhex qaatay wuxuu ugu dambeyntii ku hubsaday shabaqa kooxda Real Sociedad, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-5 ay ku hoggaamineysay Barcelona.

Balse daqiiqadii 76-aad kooxda Real Sociedad, ayaa dhalisay gool waxaana 1-5 ka dhigay ciyaaray xiddigooda Ander Barrenetxea oo caawin ka helay saaxiibkiis Carlos Fernandez.

89 daqiiqo Lionel Messi oo caawin kaga timid saaxiibkiis Jordi Alba ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 1-6 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-6 ay kaga adtaatay Barcelona kooxda Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Anoeta, Barca ayaa booska labaad ee kala sareynta horyaalka kala baxday naadiga Real Madrid, kaddib markii ay uruursatay 62 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here