Gabdhaha Afghanistaan oo laga mamnuucay iney fagaaro ku heesaan?

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda waxbarashada Afghanistaan ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso wareegto ka soo baxday agaasimaha waxbarashada caasimadda Kaabuul oo uu gabdhaha ay da’doodu ka weyn tahay 12 jir uu uga mamnuucay iney meel fagaara ah ku heesaan.

Mamnuucidda gabdhaha ardayda ee ay da’doodu ka weyn tahay 12 jir waxaa ka dhalatay cambaareyn xooggan oo dhanka baraha bulshada ah .

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu taagan yahay walaac laga qabo cawaaqib xummada ka dhalan karta heshiis nabadeed oo lala galo ururka Taalibaan.

Intii uu ururka Taalibaan uu talada dalka Afghanistaan hayey gabdhaha waxaa loo diiday waxbarasho iyada oo heesaha badankoodna la mamnuucay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here