Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19.

0
247
Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shir ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Lasocodka Xaaladaha Cudurka Karoona ee Koonfur Galbeed ayaa waxay kasoo saareen Amaro cusub oo lagu xakameynayo cudurka Coronavirus.
Wuxuu Guddiga soo saaray dhowr qodob oo kala ah:-
1. In bulshada Koonfur Galbeed ay xirtaan Afsaarka (Face mask), qofkii aan xirina lagu Ganaaxi doono lacag dhan 5 Dollar.
2. In aan la jiifan karin Masaajidyada lana keeni karin Janaasada qofka u dhinta cudurka Coronavirus.
3. Inay mamnuuc tahay dhamaan kulumada, sida Xafladaha, Shirarka IWM.
4. Qof kasta oo u dhinta cudurka Karoona waa in duugistiisa looga danbeeyaa Wasaarada Caafimaadka KGS.
5. Qofka isku arka calaamadaha cudurka Coronavirus ama isaga shakiya waa inuu si deg deg ah ula xiriiraa saraakiisha caafimaadka ama tagaa xarumaha Badqabka bulshada Koonfur Galbeed.
6. Ugu danbeyn waxaa laga codsanayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka inay caawinaad deg deg ah lasoo gaaraan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here