Biden oo shaaciyay in 4 July dadka Mareykanka ka ‘xoroobi doonaan’ Corona

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galin doonto dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.

Mr Biden ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu heli doono tallaal ku filan kaasi oo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.
Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray in uu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.

Intii uu socday ololaha tallaalka ayaa waxaa mudnaanta la siinayay shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelada.

Mr Biden ayaa farta ku fiiqan in maalmo wacan ay soo socdaan ka dib muddo sanad ah oo uu feyriska Corona dhibaato ku hayay Mareykanka islamarkana ay u dhinteen nus malyuun Mareykan ah.

“Hadii aan howsha wada qabano, marka la gaaro 4 July waxaa jiri doona fursad ah in qoysaska iyo asxaabta ay isu imaan karaan oo ay u dabaaldagi karaan maalinta xorriyadda,” ayuu yiri Mr Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here