In ka badan laba kun oo ruux oo maalin qura COVID 19 ugu geeriyootay wadanka Brazil

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada dhimashada ee xanuunka Covid-19 ee wadanka Brazil ayaa korortay iyadoona saacadihii ugu danbeeyay ladiiwaan galiyay in kabadan 2,000 oo ruux oo xanuunka u dhimatay.

Dalka Brazil ayaa hataan ah wadanka labaad ee ugu dhimashada badan dunida oo idil waxaana kaliya ka horeeyo dalka Maraykanka.

Tirada guud ee dadka xanuunka Karona ugu dhintay Brazil ayaa haatan gaartay 268,370 ruux, waxaana Arbacadii oo qura fayraska u dhintay dadka gaaraya 2,286 ruux.

Quburada dalkaasi ayaa haatan ka digaya in halista xanuunka ay sii kordhi karto taas oo xaalada sii adkeen karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here