Malaayiin doolar oo Nigeria laga xaday oo dib loo celinayo

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)- UK ayaa ballan qaaday in Nigeria ay u celineyso 5.8 malyan oo doolar lacagtaas oo uu horraan xaday barasaab hore.

Barasaabkii hore ee gobolka Delta James Ibori ayaa sanadkii 2012-kii lagu helay dambiga ah in isdabamarin lacageed.

Waxaana loo maleeyay in uu lacago malaayin ah kasoo xaday gobolka qaniga ku ah shidaalka ee Delta.

Waa markii ugu horreysay oo lacago ay xadeen dambiilayaal dib loogu celiyo Nigeeria tan iyo markii UK iyo Nigeria ay heshiis wada gaareen sanadkii 2016.

UK iyo Nigeria ayaa maanta kala saxeexday heshiis lacagtaas dib loogu celinayo Nigeria si loogu maalgeliyo mashaaricyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here