Kooxaha FC Porto iyo Borussia Dortmund oo u gudbay wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League

0
288

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha FC Porto iyo Borussia Dortmund ayaa u gudbay wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay ka soo gudbeen labada naadig ee Juventus iyo Sevilla.

Qeybt hore ee ciyaarta kooxaha Juventus iyo FC Porto ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay Porto.

Daqiiqadii 19-aad kooxda kubadda cagta Porto ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii rigoore loo dhigay uu gool u badelay xiddigooda Sergio Oliveira.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Juventus ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Federico Chiesa oo caawin ka helay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo.

63 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Juventus ayaa hoggaanka ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Federico Chiesa oo markan caawin ka helay Juan Cuadrado.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay kudhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Juventus, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, maadaama kulankii lugta uu ku soo dhamaatay 2-1 ay ku soo adkaatay naadiga Porto.

Daqiiqadii 115-aad kooxda Porto ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay Sergio Oliveira.

Balse 117 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Adrien Rabiot oo caawin ka helay saaxiibkiis Federico Bernardeschi ayaa markale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-2, balse Porto ayaa iska haadirisay wareega xiga ee tartankan maadaama cel-celis ahaan labadii kulan ay ku soo baxday farqiga goolasha ee ah 4-4.

Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund ayaa u iska xaadirisay wareega xiga ee Siddeeda, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd garoonka Signal Iduna Park, cel-celis ahaan labada kulan Borussia ayaa ku soo baxday 5-4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here