Jurgen Klopp Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka Qaranka Germany, Miyuu La Wareegi Doonaa Tababarista Xulka?

0
353

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay go’aankiisa ku aadan qabashada shaqada xulka qaranka Germany kadib markii uu tababare Joachim Löw xaqiijiyay in uu ka tagi doono shaqada xulka kadib tartanka Euro 2020 ee xagaaga.

Xidiidhka Germany ayaa maanta xaqiijiyay in uu tababare Joachim Löw kansalay heshiiskii uu kula jiray xulka qaranka isagana tagi doono kadib dhamadka tartanka Xagaaga.

Arintaas ayaa keentay in Tababaraha Liverpool lala xidhiidhiyo waajibaadka xulka qarankiisa xilli ay Liverpool ku jirto wakhti adag xilli ciyaareedkan.

Laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa si cad uga hadlay arintaas isaga oo sheegay in uuna ku biiri doonin xulka qaranka Germany sanadka soo socda iyo midka ka sii dambeeya.

“Joachim Löw waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu fican ee taariikhda xulka qaranka Germany wuuna ka tagi doonaa xulka waxana jiri doona qof badala sababta oo ah waxa jira tababarayaal fiican oo reer Germany ah”.

“Hadii aad doonaysaan in aan shaqadaas qaban doono, xagaaga Jawaabtu waa Maya, hadii ay tahay xagaaga ama midka ka sii dambeeya”.

“Wali waxa aan Liverpool kula jiraa heshiis 3 sano ah sidaas darteed arintu way fududahay waxa aan dhamaysan doonaa heshiiskayga sidii aan horay u sameeyay kooxaha Mainz iyo Dortmund”.

“Waxa jira tababare kale oo qaban doona xulka qaranka waxana aan hubaa in xidhiidhku dooran doono tababaraha munaasibka ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here