4-ta Kooxood Ee Premier League Ah Ee Doonaya Erling Haaland Oo La Ogaaday.

0
233

Kooxaha Manchester United, Chelsea, Manchester City & Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaantood doonayaan saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Qiimaha xiddiga 20 jirka ah ayay go’aamin doontaa sida uu yahay suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay dhamaan kooxaha waaweyn ee Liverpool, Man United, Chelsea iyo Man City ay dhamaantood doonayaan saxiixa xiddiga reer Norway.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa taageero weyn u ah xiddiga ay isku dalka yihiin xili ay Liverpool doonayso saxiixa xiddiga.

Man City ayaa sidoo kale dhankeeda xiddiga Erling Haaland u aragta badalka Sergio Aguero ee mustaqbalka xilli uu xiddiga reer Argentine ku dhibaatoonayo dhaawacyo.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xidiga iyaga oo haatan ugu cad-cad helitaanka saxiixa xiddiga Reer Norway suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here