QM oo Haweenka Soomaaliyeed u Dirtay Dhambaal Ku Aaddan 8 March

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa munaasabadda maamlinta caalamiga ah ee haweenka dunida awgeed bogaadiyay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan nolosha bulshada.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinayaan haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqayaan in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo intaa ku daray “Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed.”

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’.

Bahda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale qirtay dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada.

Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u dhiirrigelisay ka qeybgalka siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed iyada oo boorrisay xaqiijinta qoondadooda.

“Ka-hor doorashooyinka kusoo fool leh Soomaaliya, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku boorinaysaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11aad”

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay adduunka oo dhan lagasoo billaabo 1975kii, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenku gaareen. Maalintan waxay kusoo beegantay baaqa waxqabad ee lagu dardar-gelinayo sinnaanta jinsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here