Yaaxasyo ka baxsaday beer ku taalla Koonfur afrika oo lagu daba jiro

0
332

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tiro yaxaasyo yar yar ayaa la baadi goobayaa ka dib markii ay ka soo baxsadeen beer lagu xanaaneynayay oo ku taal gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika.

Ilaa 27 yaxaas ayaa haatan gacanta lagu dhigay oo la qabtay laakiin saraakiishu waxay qireen in aysan garaneyn inta ay la egtahay tirada yaxasyada baxsadka ah.

Yaxaasyada ayaa la amminsan yahay inay ka baxeen meel uu ka banaanaa xayndaabka beer lagu xanaanaynayay oo ku taal deeganka Bonnievale, waxayna galeen wabiga Breede oo beerta agteeda mara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here