Biden oo sheegay ilaa bisha May in shacabka Mareykanka tallaal la gaarsiinayo

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweyneha Mareykanaka Joe Biden ayaa sheegay Mareykanka inuu hayo waddadi uu ku soo saaran lahaa tallaalka Faayraska Korona oo qofkasta oo Mareykanka ku nool gaaro ilaa iyo bisha May.

Madaxweynaha oo aqalka cad kaga warbixinayey xaaladda Faayraska Korona iyo tallaabbooyinka maamulkiisa uu qaaday wuxuu sheegay inuu codsaday laba shirkadood oo waaweyn oo dawooyinka soo saaro ee Johnson, Johnson iyo Merck in loo xilsaaro ayna ka wada shaqeeyaan soo saaridda tallaalkaasi.

Wuxuuna Biden oo uu sheegay tallaabbooyin horumar leh oo dhanka soo saaridda tallaal ku filan dalka oo dhan in la qaaday.

Madaxweyne Joe Biden oo sharraxaadda uu aqlka cad ku bixiyey kaddib la weydiiyey xilliga ay noolasha dalka Mareykanka caadi ku soo laabaneyso wuxuu jawaabay inuusan haatan ka jawabi karin balse ay ku xiran tahay shacabka dalkaasi sida ay u dadaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here