Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

0
232

Kooxda Man City ayaa sii wadata guulaha xidhiidhka ah ee premier League kadib markii ay 2/1 uga badiyeen kooxda West Ham halka ay 12 dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka premier League.

Liverpool ayaa soo afjartay dhankeeda natiijooyinkii xumaa iyaga oo guul ka gaadhay kooxda dhibaatoonaysa ee Sheffield United halka ay Chelsea iyo Man United ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah.

Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leicester City halka ay Aston Villa garaacday Leeds United.

Tottenham ayaa dhankeeda guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Burnley halka ay Everton guul 1/0 ah ka gaadhay Southampton.

Hadaba Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan horyaalka premier League iyaga oo soo xushay xiddigihii sida fiican u ciyaaray.

Kooxda Man City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo 3 xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premer League.

Dhanka kooxaha West Brom iyo Arsenal ayaa shaxda min 2 xiddig ku leh kadib markii ay guulo muhiim ah gaadheen todobaadkan.

Ugu dambayn kooxaha Liverpool, West Ham, Everton iyo Tottenham ayaa shaxda min hal xiddig ku leh todobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here