Sadio Mane Oo Magacaabay Xiddiga Liverpool U Ciyaara Ee U Qalma Amaanta Ugu Badan.

0
280

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa difaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Roberto Firmino kadib dhaleecayn xoogan oo uu la kulmay xiddiga reer Brazil wakhtigii ugu dambeeyay.

Roberto Firmino ayaa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareed xun tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo uuna Klopp la soo saxiixan badalkiisa suuqii xagaaga.

Mane oo la hadlaya ESPN Brazil ayaa yidhi”Waxa uu Firmino u qalmaa Amaan ka badan mida aniga iyo Salah aan helno”.

“Laakiin kubada cagta ayaa iska sidaas ah, dadku waxa ay arkaan kaliya dadka goolasha dhaliya laakiin La’aanta Roberto Firmino aniga iyo Mohamed Salah toona goolal ma dhalin karno hadii aan runta ka hadlo’

“Brazil Nasiib ayay u leedahay in ay haystaan Firmino, mar walba waxa aan Bobby u sheegaa in uu badalo dhalashadiisa oo uu u ciyaaro Senegal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here