Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Ku Saabsan Mustaqbalkiisa.

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

Saacadihii la soo dhaafay gaar ahaan xalay waxa soo baxay xan sheegaysa in uu Jurgen Klopp isaga tagayo kooxda Liverpool kadib natiijooyinka xun ee ay kooxdu ku jirto.

Laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa beeniyay wararkaas isaga oo daadka ku daray warar walba oo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

Markii wax laga waydiiyay taageeradii uu ka helay taageerayaasha kooxda iyo in uu kooxda ka tagayo ayuu ku jawaabay”Waan maqlay labadoodaba”.

“Taageerada ay taageerayaashu ii muujiyeen waa wax fiican laakiin uma baahni taageero khaas ah”ayuu sii raaciyay.

Klopp oo ka hadlaya xantii sheegaysay in uu ka tagayo kooxda ayuu yidhi”Miyaa la i caydhiyay mise aniga ayaa isaga tagay, maxay ahayd wararka xanta ah”.

Waxba kama jiraan laymana caydhinayo kamana tagayo kooxda waana waxa ugu dambeeya ee aan doonayo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here