Mareykanka oo albaabada u faraya muhaajiriinta magangelyo doonka ah

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegaya inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo haatan ku xayiran dalka Mexico.

Waxa uu sheegay in laga billaabo usbuuca soo socda uu ka hawlgali doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ay haatan diyaarka tahay.

Dadka magangelyo doonka ahi ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here