Hakim Ziyech oo la filayo inuu ka tago Chelsea hal xilli ciyaareed kaddib

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Morocco  ee Hakim Ziyech ayaa xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Chelsea adduun dhan 40 million euros naadiga Ajax, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ka tago Blues ka dib hal xilli ciyaareed oo keliya, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ka tago Blues kaddib hal xilli ciyaareed oo keliya.

Sida laga soo xigtay wargayska “The Sun” ee dalka England, xiddiga reer Morocco  ee Hakim Ziyech ayaa ku ku dhibtooday ka hoos shaqeynta tababaraha cusub Blues ee Thomas Tuchel, maadaama uusan ka qeyb galin kulamadii Premier League tan iyo markii uu macalinka reer Germany la wareegay shaqada tababarka.

Hakim Ziyech oo fursad ka helay tababarihiisa Thomas Tuchel kulankii ugu dambeeyay ay kula ciyaareen kooxda Barnsley tartanka FA Cup-ka ayaan isku muujin, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed liita, wuxuuna kubadda qasaariyay 25 jeer, wuxuuna sameeyay kaliya 2 baas halis ah, kahor inta aan la bedelin daqiiqadii 69-aad.

Ciyaarta kaddib, Thomas Tuchel wuxuu ka hadlay ciyaaryahanka reer Morocco, isagoo carabka ku adkeeyay inuu weli u baahan yahay inuu la qabsado dabeecadda ka ciyaarista horyaalka Premier League.

Dhinaca kale, Shabakada “CalcioMercato” ayaa muujisay xiisaha ay u qabaan kooxaha waa weyn ee kubadda cagta Talyaaniga sida Juventus iyo Milan inay helaan adeega ciyaaryahanka inta lagu jiro xilliga suuqa xagaaga ee soo socda.

Image result for Hakim Ziyech Juventus and Inter

Warbixinta ayaa tilmaamtay in labada koox ay u dhaqaaqi doonaan suuqa kala iibsiga ee soo socda si ay ula soo saxiixdaan laacibka reer Morocco haddii ay xaaladdiisa Chelsea sii ahaato sida ay hadda tahay ka hoos shaqeynta tababarea Thomas Tuchel.

Hakim Ziyech ayaa ciyaaray 19 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo xiran maaliyada kooxda Chelsea, intii lagu jiray mudadaas wuxuu dhaliyay 2 gool isla markaana uu caawiyay 4 gool kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here