WHO oo ku Talisay in Talaalka AstraZenecca loo Adeegsado Afrika

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ururka Caafimaadka Aduunka ee marka la soo gaabiyo WHO ayaa sheegay in talaalaka Jaamacadda Oxford – ee AstraZeneca ee xanuunka COVID-19 uu badbaadin karo nolosha dad badan.

Hay’adda ayaa ku  talisay in talaalkan  loo iscticmaalo dadka ku nool qaarada Afrika.

WHO waxay sheegtay in 3.7 malyuun oo qof uu ku dhacay  xanuunkan, halka ku dhawaad 100 malyuun oo qofna ay u dhinteen.

Dalal badan oo ku yaalla caalam-ka ayaa xiligan bilaabay in talaalka cudurka karoona feyris ee la soo saaray lagu talaalo dadka u haleelay.

Cudurka karoona feyris oo bishii December sannadkii 2019-kii ka soo bilowday magaalada Wuhan ee dalka shiinaha ayaa xiligan faro ban ku haya dalalka caalam-ka oo uu ku soo laba kacleeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here