Dhakhtar ku yaboohay inuu caawiyo gabadh timaha iska kooleysay oo qabsatay baraha bulshada

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dr Michael Obeng, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka maqaarka, una dhashay Ghana balse heysta dhalashada Mareykanka, ayaa ku yaboohay in uu caawinayo haweeney sheekadeeda ay baraha bulshada qabsatay, aadna looga fal celiyay dhibaato ay ka cabaneysay, sida uu shaaciyay telefishinka CBSN ee uu fadhigiisu yahay magaalada Los Angels.

Tessica Brown ayey dad badan ka naxeen markii ay isbuucii lasoo dhaafay Tiktok soo dhigtay muuqaal ay ku sheegeysay in ay koollo isaga shubtay tinta halkii ay saliid ku shubi kahayd, si ay ugu celiso.

Koollada gabadhan timaheeda lafta ku dhajisay ayaa loo isticmaalaa isku dhajinta alwaaxyada iyo mutuleelka guryaha.

Muuqaalkaas ayey Ms Brown ku sheegtay in timaheeda ay sidaas ahaayeen qiyaastii hal bil, wax kasta oo ay isku daydayna ay ku guuleysan weysay in ay xal u hesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here