Eden Hazard Oo Qirtay Kooxda Uu Taageerada U Ahaa Yaraantiisii Waliba Ka Jeclaa In Ka Badan Chelsea.

0
289

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa qirtay in ay kooxda Arsenal ahayd kooxda uu taageeri jiray yaraantiisii isaga oo xitaa ka jeclaa chelea oo uu u ciyaaray intii u dhexaysay 2012 ilaa 2019.

Xiddiga reer Belguim Eden Hazard ayaa ka tagay Chelsea laba sano ka hor isaga oo ku biiray Real Madrid isaga oo ku dhibaatooday dhaawacyo badan.

Hazard ayaa si weyn loogu xasuustaa wakhtigii fiicnaa ee uu la qaatay kooxda chelsea 7-diii sano ee uu joogay kooxda Chelsea.

Eden Hazard ayaa goolal badan ka dhaliyay kooxda Arsenal isaga oo ka qaaday koobab uu ugu dambeeyay Final-kii Europa League ee ay Arsenal iyo Chelsea isaga hor yimaadeen.

Laakiin Eden Hazard ayaa ahaa taageero weyn markii uu da’yarka aha isaga oo xitaa jeclaa in ka badan kooxda Chelsea.

Hazard oo waraysi siiyay On The Front Foot ayaa yidhi”Markii aan da’yarka ahaa waxa aan taageero weyn u ahaa Arsenal waxana aan jeclaa in ka badan Intii aan jeclaa chelsea”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here