UEFA Oo Xaqiijisay In Garoon Dhex-Dhexaad Ah Lagu Ciyaari Doono Kulanka Real Sociedad & Man United.

0
312

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in kulanka lugta 1-aad ee ay wada ciyaari doonaan kooxda Real Sociedad iyo Man United ee Europa League lagu ciyaari doono garoon dhex-dhexaad ah.

Arintan ayaa imanaysa sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo si xoogan ugu soo laabanaya dalka Spain oo loo balansanaa in uu kulanka lugta 1-aad ka dhoco.

Laakiin UEFA ayaa haatan xaqiijisay in uuna kulanku ka dhici doonin Spain sidii la filayay sabab la xidhiidha xanuunka Koroan.

UEFA ayaa xaqiijisay in kulanka lagu ciyaari doono Dalka Italy gaar ahaan Magaalada Turin halkii uu ka dhici lahaa garoonka Real Sociedad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here