Nooca ugu yar xayawaanka Xamaaratada ee adduunka oo la helay

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Seynisyahannada ayaa aaminsan inay heleen nooca ugu yar ee xayawaannada la isku yiraahdo “Xamaaaratada” ee dunida oo dhan, kaas oo ah jirjiroole aad u yar oo la eg miraha abuurka beeraha.

Labo kamid ah jirjiroolayaasha ayaa waxaa helay koox baarayaal oo ah ka kooban khubaro u dhalatay Jarmalka iyo Madagascar, oo ku sugan dalka Madagascar.

Jirjiroolahan labka ah oo lagu magacaabay Brookesia nana, ama eray bixinta seyniska lagu yiraahdo “nano-chameleon”, ayaa cabirka jirkiisu yahay 13.5 mm, kaas oo ka dhigaya xayawaanka ugu yar ee xamaratada la yaqaano oo gaaraya ilaa 11,500, sida uu sheegay ururka cilmibaarista xayawaanka oo fadhigiisu yahay Magaalada Munich.

Kan dhedigga ah ayaa cabirkiisu yahay 29mm, sida uu ururku sheegay.
“Jirjiroolaha cusub ayaa laga helay keyn ku taalla Waqooyiga dalka Madagascar, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu baaba’o” ayaa lagu yiri warbixinno ay soo saareen seynisyahanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here