Real Madrid Oo Ku Guulaystay Saxiixa David Alaba & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Kashifay.

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guulaysatay saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 28 jirka ah ayuu heshiiskiisa Bayern Munich dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu xiiso ka helayaa kooxo dhawr ah.

Kooxaha Liverpool, Man United Iyo chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa daafaca dhexe iyo waliba boosaska kale.

Laakiin Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Kooxda Real Madrid ku guulaystay saxiixa daafaca kuna garaacay kooxaha kale ee doonaya.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Alaba Ogolaaday heshiis 4 Sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda Real Madrid marka uu xor noqdo ee uu dhamaado heshiiskiisa Bayern xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here