Koox ka dheesha horyaalka Premier League oo ku dhawaaqday saxiixa xiddigii Man United ee Jesse Lingard

0
357

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Jesse Lingard ayaa la soo warinayaa inuu isaga tagay Manchester United, isla markaana uu dhammaystiran ku biirtistiisa kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ee West Ham United.

Waxa uu Jesse Lingard Kooxda West Ham United ugu biiray heshiis amaah ah oo ku eg illaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

28-sano jirkaan ayaa boos ka waayey kooxda uu hoggaamiyo Macallin Ole Gunnar Solskjaer, kaasoo ka saaray qorshihiisa xilli ciyaareedkan, kaliyana waxa uu Lingard saftay saddex kulan tartammada oo dhan, kuwaasoo xitaa uusan ku jirin kulan horyaalka Premier League ah.

Lingard ayaa 210 kulan u saftay Kooxda Manchester United tartammada oo dhan tan iyo markii uu u soo dallacay shaxda koowaad ee kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford sanadkii 2011, waxaana uu u dhaliyey 33 gool isagoo u sameeyey 20 caawin.

Xiddigan reer England ayaa Kooxda Manchester United kula guuleystay afar koob oo waa weyn intii lagu guda jiray muddadaas, waxaana ka mid ah koobabka uu la qaaday Man Utd tartanka faca weyn ee FA Cup iyo weliba Europa League.

Jesse Lingard ayaa sidookale waxa uu xulka qaranka England u saftay 24 kulan, waxaana uu kooxdiisa cusub ee West Ham u xiran doonaa lambarka 11-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here