Lionel Messi Iyo Qoyskiisa Oo Bilaabey Barashada Luuqada France.

0
355

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel ayaa qaaday talaabo u dhawaynaysa in uu ku biiro kooxda reer France ee PSG sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka France.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo qoyskiisa ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen barashada luuqada Faransiiska sida ay sheegayaan wararku.

Arintan ayaa imanaysa xilli ay kooxda PSG si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Tv-ga Canal+ ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda Barcelona iyo waliba qoyskiisu bilaabeen barashada luuqada Faransiiska taas oo calaamad u ah in uu xiddiga reer Argentine ku wajahanyahay PSG.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in uu Lionel Messi doonayo in uu kooxda PSG kaga garab ciyaaro xiddiga Neymar oo ay isaga soo garab ciyaareen kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here