Barcelona oo guul loo baahnaa ka gaartay Elche ciyaar uu si wanaagsan kaga dhex muuqday Frenkie de Jong

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Elche oo ay marti u ahayd ciyaar xiiso badneyd oo ka tirsan horyaalka La Liga.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay qaab adag, iyadoo labada koox aysan wax gool ah iska dhalin 30-kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta.

Hase ahaatee, daqiiqaddii 39-aad ee ciyaarta ayaa waxaa shabaqa soo taabtay Frenkie de Jong oo 1-0 hoggaanka ugu dhiibay naadigiisa Barcelona.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0 oo ay hoggaanka ku heysay kooxda martida ah, taasoo ciyaareysay la’aanta kabtankooda Lionel Messi kaasoo ku maqan ganaax labo kulan ah.

Markii dib la isugu soo laabtay, Barca oo firfircooni badan ay ka muuqato ayaa sameysay isku dayo fara badan oo ay si toos ah ugu bartilmaameedsatay shabaqa Elche, hase ahaatee, ma aysan u suuro galin inay gool dhaliso illaa dhammaadii ciyaarta oo ay la timid goolkii labaad.

Daqiiqaddii 89-aad ee ciyaarta, waxaa goolka labaad Blaugrana u ansixiyay laacibkeeda Riqui Puig kaddib baas uu ka helay De Jong oo goolkii hore dhaliyay.

Kulankan waxaa xiddig sare ka ahaa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Frenkie de Jong, waxaana laacibka reer Netherlands uu dhaliyay gool, halka midka kalena uu caawiye ka ahaa.

Ugu dambeyn, ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Barcelona, waxaana ay hadda leedahay 37 dhibcood iyadoo fadhisa booska saddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here