Man City oo hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League

0
220

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaadeen 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey ku kala nasteen labada kooxood Mancheter City iyo Aston Villa barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva.

90 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii rigoore loo dhigay uu gool u badelay Ilkay Gundogan ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hoggaamineysay  City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, City ayaana hoggaanka u qabatay kala sareynta horyaalka Premier League kaddib markii ay uruursatay 38 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here