Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waddooyinka ugu muhiimsan suuqyada Magaalada Baydhabo ayaa waxaa weli ka socda dhismooyinka lagu rabo in lagu balaariyo waddooyinkaasi maadaama maristooda dad weynaha iyo gaadiidka dhibaato ay ku qabeen iyadoo mararka qaarka ay isku dhici jireen gadiidka sababo keentey ciriiriga waddooyinkaasi.
Waddada dheer ee isku xirta suuqa sariflaha iyo kawaan weynaha Magaalada Baydhabo waxey ka mid tahay waddooyinkii dhawaan dhismahooda la soo geba gabeeyey waxeyna ka mid tahay kuwa ugu mashquulka badan.
Warkan waxaa inoo haya Siidcali Muuse Ateera