Zidane Oo Ka Hadlay Wararka Kooxdiisa La Xidhiidhinaya David Alaba.

0
263

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ay kooxda Real Madrid heshiis la gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay kooxda Real Madrid heshiis la gaadhay xiddiga 28 jirka ah si ay qaab xor ah ugu helaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa soo hor fadhiistay saxaafada ka hor kulanka Copa del Rey-ga ee ay la ciyaari doonaan kooxda Alcoyano kana tirsan wareega 32-ka ee tartanka.

Zidane oo arntaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga ahaan, Alaba ma ahan xiddig kooxdayda ah”.

“Kama hadalayo arimahaas, waxa jira warar la isla dhemarayo laakiin ma doonayo in aan ka hadlo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here