Kooxaha Liverpool iyo Man United oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield

0
287

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd Isbuuca 18-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood  Liverpool iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dabbeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Manchester United, United-ka ayaa 4 dhibcood kaga sara martay Reds miiska kala sareynta ee horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here