Barcelona Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixa Neto

0
277

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab ay Arsenal ka gudbisay saxiixa Goolhaye Neto kaas oo ay Arsenal doonayso in ay ku xoojiso goolkeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Barcelona ayaa Arsenal u sheegtay in ay iska ilowdo helitaanka saxiixa Goolhaye Neto maadama uuna iib ahayn inta lagu jiro bishan.

Goolhayaha 31 jirka ah ayaa badal u ah Goolhayaha 1-aad ee kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen kaas oo si joogto ah ugu ciyaara kooxda Barcelona.

Arsenal ayaa Goolhaye Neto u doonaysa badalka Goolhaye Rúnar Alex Rúnarsson kaas oo ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta waliba la filayoin uu amaah uga tago kooxda bishan.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona Arsenal ka diiday dalab ay ka gudbisay Goolhayaha 31 jirka ah una sheegtay in uuna meel-na uga socon kooxda suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here