Man City oo garoonkeeda Etihad si dirqi ah saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Brighton

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa guul kaga gaartay garoonkeeda Etihad kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 44-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Phil Foden, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana ka qasaariyay xiddigooda reer England ee Raheem Sterling.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, Sky Blue ayaana haatan soo fariisatay booska saddexaad ee kala sareynta horyaalka Premier League, iyaga oo leh 32 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here