Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Athletic Bilbao

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Athletic Bilbao Kulan adag oo ka tirsan Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa kulanka soo gali doonta iyaga oo doonaya in ay difaacdaan koobka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen.

Zidane ayaa haysta koox buuxda oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa marka laga reebo xiddiga Carvajal kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka.

Kulanka ayaa soo gali doona 11 habeenimo ee wakhtiga Somaliya waxana ay Real Madrid isha ku haysaa in ay iska xaadiriyaan finalka tartanka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda uu Zidane ku soo gali karo kulanka:

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Varane, Ramos, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Asensio, Benzema, Hazard

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here