Hindiya oo xaqiijisay in dalkeeda uu ka dillaacay hergebka shimbiraha

0
304

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Hindiya waxay xaqiijisay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha oo saameeyay ilaa 9 gobol oo ka tirsan dalkaas.

Maamulka Delhi ayaa diiwaangeliyay kiisaskii ugu danbeeyay ee cudurkan.

Gobolka Harayana, waxaa toddobaadyadii u danbeeyay ku dhintay in ka badan 400,000 shimbirood kaddib markii uu ku dhacay hergebka, waana meesha uu sida ba’an u saameeyay.

Waxaana haatan socdaa dadaallo lagu xakemanyo fiditaanka hergebka shimbiraha ee saameeyay gobollo ku yaalla Hindiya.

Dowladda waxay soo saartay digniino ku saabsan suurtagalnimada in hergebka shimbiraha uu gudbo banii’aadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here